BEESHA MURULE EE SOOMAALIYA
Hordhac
Waxaa Mahad iska leh Allah S.W oo ina waafijiyey soo gudbinta qoraalkaan kooban oo quseeya taarikhda beesha Murule ee degta Soomaaliya.
Qoraalkaan kama turjumayo beesha meel kasta oo aay degto sida Kenya,Ethiopia& Djibouti wuxuu un diirada saarayaa kali Soomaaliya.
MEELAHA BEESHA AAY DEGTO.
Murule waa beel hoosaad ka mid ah beelweynta Gugundhabe ee Hawiye. Beesha waxay dagtaa gobollada kala ah Jubbada Dhexe (Degmada Saakow), Gedo,Jubbada Hoose.Hiiraan,Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Banadir.
Hordhac
Waxaa Mahad iska leh Allah S.W oo ina waafijiyey soo gudbinta qoraalkaan kooban oo quseeya taarikhda beesha Murule ee degta Soomaaliya.
Qoraalkaan kama turjumayo beesha meel kasta oo aay degto sida Kenya,Ethiopia& Djibouti wuxuu un diirada saarayaa kali Soomaaliya.
MEELAHA BEESHA AAY DEGTO.
Murule waa beel hoosaad ka mid ah beelweynta Gugundhabe ee Hawiye. Beesha waxay dagtaa gobollada kala ah Jubbada Dhexe (Degmada Saakow), Gedo,Jubbada Hoose.Hiiraan,Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Banadir.
ABTIRKA BEESHA
DHINAC DHAQAALE
Beesha waxaay caan ku tahay beeraha iyo dhaqashada xoolaha sida geela, lo’da & ariga gobol kasta oo aay joogto qaasataan Jubooyinka kamana marna dhinac ganacsiga nool & mood.
Beesha waxaay degmada Saakow ku leedahay in ka badan 500 oo beerood kuna yaala nawaaxiga saakow sida Dhujiileey, buulo fuurad, buulo baar, Qeeyd Cajuuso iyo Labi buul.
Beesha waxay safka hore ugu jirtay dhinac canshuur bixinta xilligii dowladii dhexe ee burburtay 1991kii.
Beesha waxaay sidoo kale leedahay ilo biyood sida waraha oo aan gurin kuwaas oo xiliyada jiilaalyada aay xoolaha ka waraabsadaan
DHINAC SIYAASADDA.
Beesha waxaay gacan weyn ka geeysatay deganaashada siyaasadeed heer degmooyin & heer goboleeydyo inta la xuso beesha waligeed kama qeeyb qaadin qalaalaso siyaasadeed ama mid bileed.
Bisha waxaa aad & aad loogu amaanaa dhinac dulqaadka, deris wanaajinta & ilaalinta nidaamka markaa jira.
HOGAANKA DHAQANKA
Beesha waxaa hogaamin jiray madax dhaqmeeydyo kala duwan oo si weyn loo xushmeeyo, kuna lahaa sumcad iyo ixtiraam beesha dhexdeeda, go’aanka aay gaaran madax dhaqameeydka wuxuu ahaa mid si buuxda loo qaato loogana dambeeyo.
Madax dhaqmeeydkii soo maray beesha dhinac Jubooyinka waxaa ka mid ahaa:
1. Jelle CabdikarimCali (Ugaas beesha) waxaana la shaqeeyn jiray dhinac xallinta qilaafyada guddi hoosaad waxaana ka mid ahaa:
a) Cali Bare Mohamed-Cali Baadil
b) Bulle Mohamud Ibrahim
c) Osman Abdi Kheyr
2. Daud Cabdirahman Ibrahim
3. Macalim Sharif
Dhinac Culimada waxaa ugu caansanaa Sheikh Cali Bulle AUN, wuxuu ahaa Sheikh aad loo qadariyo markaay timaato dhinac diinta loona xukun tago waxii qilaafaad oo arimaha diinta Quseeya.
HIDDA IYO DHAQANKA.
Beesha waxaa aad loogu xasuustaa xilligii beri samaadkii ilaalinta iyo soo gudbinta hidda iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaasoo ka turjumayey dhaqanka beelaha degga Gobolka Gedo & Jubbooyinka, beesha waxaay kaalin muuqata oo marnaba la dafiri Karin ka ciyaartay in jiilasha soo korayey aay ka faaideeystaan dhaqanka suuban kaasoo marna madadaalo furan ahaa marna is barasho dadka deggaanka dega dhexdooda.
Beesha waxaay caan ku ahayd ciyaar dhaqameeydo sida:
a) Saar lugeed
b) Waaleey- waa ciyaar fadhiga lagu ciyaaro sida walansaqada camal.
Dhinacahiiraanqoraalkadambe ayaa laguxusi doonaa inshaaAllah