KUSOO DHAWAADA BEESHA MURULE ONLINE!!!...MURULE AMA MURALA WAA BEEL SOOMALIYEED OO DEGAN WADAMAHA KENYA, SOMALIA, ETHIOPIA IYO DHULKA SOOMALIYEED KALE...BEESHA WAXAY SIKALE LOO GARANAYAA JIDLE, WAXAANA WALAALA DHOW AY YIHIIN BAADICADE IYO JIJELE...ABTIRISKA MURULAHA WAA SIDAAN....MURULA- WEEYTAN-JIDLE- GUGUNDHABA- HAWIYE - IRIR - SAMAALE (SOMALI)

Monday, July 19, 2021

MURULE WEEYTAAN JIDLE XAQOODA HALAGA SOO SAARO GOBOLAHA AY DEGENYIHIIN

Goobta waa Gobolka Erer, Fiiq iyo Sitti

Tolkeena Murule Weeytaan iyo Dulmi Lugu Haaya mise ayaga isku haaya (Gobolka Erer)

(Laanta Ugu Weeyn oo Murule Weeytaan udegan meesha waa Waceeys cabdi Yabarsen. Murule Fara badan kalena weey degenyihiin intaaso meelood. 

Waxaad ku dulmantihiin degmadiina, fiiq, qubi iyo lagahida.

Waxaad ku dulmantihiin heer gobol iyo heer deegaan labadaba.

Idinka iyo dulmigana waan idin kala kari la ahay oo idinka ayaaba in la idin dulmiyo u jajaban oon marna diideyn. Cajiib!!!.

Waxaad Ceeb moodaa ka hadalka xaqaaqa. Halka umaduhu ku fanayan qabiilkoda oo maalinkasta waxa dhagahaga ku dhaca (Ogadenia).

Waxaad ku dulmantihiin degmadiina oo reer 3 tuulo degan ayaa idin ka qaatay 6 xafiis, halka kuwo degan 2 duulo ey idin ka qaateen 4 xafiis. Cajiib!!!

Waad dulmantihiin oo idinka oo fiiq ka degan 4 tuulo ayaa la idin siiyay hal xafiis, walibana ah xafiiska oogu liita xafiisyasa ee sportiga.

Waad dulmantihiin oo idinka oo qubi degan 4 tuulo ayaa ka idinka siiyay hal xafiis oo ah xafiiska oogu liita xafiisyada hormarinta. Cajiib!!

Waad dulmantihiin oo idinka oo lagahida ka degan 6 tuulo oo waaweyn ayaa la idinka siiyay 2 xafiis oon samayn lahayn.

Waad dulmantihiin oo idinka oo gobolka Erer ka degan 4 Degmo ayaa la idinka Siiyay hal xafiis oo ah arimaha xisbiga, halka ay xaq ahayd inaad heshaan labo xubnood oo midi yahay guduumiye ku xigeenka gobolka.

Waad dulmantihiin oo idinkoo kililka shanaad ka degan 7 degmo ayaydaan hal wasiir la idin siin, halka ah xaq tahay inaad heshaan wasiir hor marin ahna gudi fulin. halkaasna waxa ka dhalatay inaydan samayn ku yeelan Gobolkina iyo in wax kasta la idinku Dulmo. War tashada oo shir isoogu yimada oo ka hadla dulmiga iyo gacan bixideynta la idinku hayo.

Waad dulmantihiin oo idinkoo saas la idiin dulmay ayaa degmadinii laga soo qaadey 300 oo wiil si Birqod loo geeyo ka dibnah dagaalka Tigree ooga qayb galaan. Halkaasna ku soo dhamaadaan hal midna idinku soo noqon, hada la soco sadexda boqol ee wiil waa wada hal reer?? Aawey kuwii 6-da xafiis la siiyay ee lahaa waan daganahay meesha ee iyo kuwii afarta xafiis la siiyay. Cajiib.

Odeyaashiina, Guduumiyaha Degmada, hogaanka iyo wax garadkiina oo idil waxay garan waayeen waxa ay garteen Guduumiye ku xigeenka  iyo madaxa arimaha xisbigu, kaasi oo ah inay wiilashii kaga jirey Ciidanka ka saareen Ciidanka, kana bexeen hub wixii ey qaadi kareena la tageen saasna ay kaga hadheen dhimashada iyo halaga Ciidanka loo soo qaaday, halka idinku xataa waayeelkii aad soo qaadeen oo caawa Birqod ku xaraysanyihiin. Cajiib!!!.

War damiir yeesha oo dadkiina garta dantinana garta

Waad dulmantihiin oo ma jirto hal degmo oo ka tirsan gobolka Erer taasi oo laga qaaday 100 wiil halka idinka kaligiin aad dirteen 300 oo wiil.

Maxaad ku doorsateen 300 oo wiil ?? oon ahayn mushar 5,000 ah.

Maxaad ku badalateen car bal ii sheega?? 

Sidan hala isu dhamo......

Dhalishu odeyal, maamul, wax garad, dhalinyaro dhamantiin wey idin heysataa ee kaca oo madaxa kor u qaada, toga Erereed labadiisa dhanba idinka ayaa leh ee bal dhankasta eega oo daya..!!!
.....
.....    ....... Hormar gaadhi meysaan ilaa aad dhamaantiin fagaarayasha kaga hadashiin danta reerkina iyo dulmiga idin ku heysa gobolka madaw.

wax kale hadii Adan qaban karin faintan gadhsi qof kasta oo dadkaaga ah oo wax  akhriya..

.......
.....
................
#Murule
#MuruleWeeytaan
#WeytaanDDS
#DDSErer
#ErerTV
#HawiyeDDS